Ciidamada Amaanka Puntland oo markale Xabsiga u taxaabay Garyaqaan Muuse cali jaamac

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amaanka maamulka Puntland Gaarahaan Gobnolka Bari ayaa waxa ay xabsiga u taxaabeen Siyasiga caanka ah oo aad looga qadaraiyo Deegaanada Maamulka ee  Muuse Cali Jaamac waxaan uuna ka mid yahay Siyaasiyiinta aadka u dhaliili Siyaasada Madexweyne Deni uu Puntland kumaamulo.

Garyaqaan Muuse Cali Jaamac ayaa duhurnimadii shalay waxaa Ciidamada ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso, kaddibna waxaa lagu xiray Xabsiga weyn, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland.

Sidoo kale Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay labo nabadoon oo kale, kuwaasoo ka mid ahaa nabadoonadii dhaliilay Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Deni.

Kulan jimcihii ay ku yeesheen magaalada Boosaaso Odayaal iyo siyaasiyiin waxaa eedeymo loogu soo jeediyay Maamulka Puntland, taasoo ah in shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyadoo horay Shirkadda DP ay u heysatay qandaraaska Dekeda Boosaaso ee ballaarinta iyo dhismaha dekeda, waxaana ay ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay ka laabato heshiiskaas oo ay ka baxdo, maadaama waqtigii loogu tala galay aanay shirkaddu ku fulin dhismaha Dekedaas.

Bishii hore ee October ayay aheyd markii Ciidamada Amniga Boosaaso ay xabsiga dhigeen siyaasigan, hase ahaatee saddex maalmood oo uu xirnaa waa la sii daayay, kaddib markii lagu sii daayay cafis maxkamadeed.

 

 

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!