Ciidamada Amaanka oo jidadka Muqdisho xiray Maanta

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho, iyadoona  isku socodka  dad weynaha iyo gaadiidka la diidayo wadooyinka qaar.

Waxaa la arkayaa dadka shacabka ah oo saaka lugeynaya waddooyinka mana jiraan wax gaadiid dadweyne ee isticmaalaya waddooyinka waa weyn inta badan shacabku ay isticmaali jireen.

Sababta ka dambeysay arintan ayaa lagu sheegay in ay tahay in maanta la filayo inuu  ka furmo shirka wadatashiga ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Balse waxaan weli furmay  shirka u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ay jiraan sababo dhowr ah oo keeni kara inuu  shirka dib u dhaco ku yimaado, waxaana la sheegayaa in ay wali taagan yihiin khilaaf yadii u dhexeyay dowladda dhexe iyo maamulada Jubbland iyo Puntland