Ciidamada Jubbaland ayaa tiro dad ah ku soo qab qabtay hawlgal ay ka wadaan qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo, iyagoona ku bartilmaameydsanaya kooxaha nabadiidka.
Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay markii xalay qarax bambaano lagu weeraray askar ka tirsan Booliska Jubbaland, xilli ay amni xaqiijin u jooggeen Isgoyska Balcad ee Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa saakay lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Kismaayo qaarkood, si ay kaga hortaggaan kooxaha lala xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.
Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in hawlgalka ka socda magaalada lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lala xiriirinayo falal amni-darro.
Wariye-yaasha ayaa sidoo kale soo sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay mararka qaarkood su’aalo weydiinayan dadka la socda gawaarida gaarka loo leeyahay.
Saraakiisha laamaha ammaanka Jubbaland ayaan weli wax war ahi ka soo saarin hawlgalka ciidamada amnigu ka wadaan qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanu wax khasaaro ah Ciidamada Booliska Jubbaland ka soo gaarin qaraxii xalay lagula tuuray Isgoyska Balcad.
Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan ee Koonfurta Somaliya.