Ciidamada Amaanka G. Hiiraan oo gacanta ku soo dhigay haweeney dishay Seygeeda

Reading Time: < 1 minute

iidamada Amaanka gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay haweeney magaalada Beledweyne ku dishay seygeeda oo ahaa macalin dugsi Quraan Macalinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Macalin Maxamed,waxaana la sheegay xaaskiisa in ay siisay cunto sumeysan taasoo keentay in uu u geeriyoodo.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafad lagu magacaabo Xaawo Taako oo ku taala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Warar aan helayno ayaa sheegaya in Macalinka uu dhawaan guursaday gabadha sunta ugu dartay Raashinka ee sababtay in uu u geeriyoodo. Dhacdadan ayaa walaac iyo argagax ku abuurtay bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda ay ka dhacday.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!