Ciidama Dowladda Iyo Kooxo Hubeysan Oo Xalay Israsaaseeyn ay Ku Dhexmartay Qeybo Kamid Ah Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad xalay dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa DFS iyo kooxo hubeysan oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho.

Israsaaseyntan ayaa timid, kadib markii Rag hubeysan oo la socday Mooto Bajaaj ay weerar ay ku qaadeen askari ka tirsan Ciidamada, kadibna ay rasaas isku fureen askarigaasi oyi kooxihii hubeysnaa.

Waxaana la sheegay in dhaawac uu soo gaaray askarigaasi , iyadoona Ciidamo kale oo ku sugnaa halkaasi ay eryadeen Raggii ka dambeeyay falkaasi, kuwaas oo Mootadii ay wateen ku baxday.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in halkaasi ay ka sameeyeen howlgallo, kuna soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo falkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaliya ka bixiyeen israsaaseyntaasi.

Sikastaba ha ahaatee Maalmihii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay dilalka ka dhanka ah Askarka ka tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.