Cidanka Isbaroyinka So Dhigtay Duleedka Cadaado oo Masuuliyiin Caan Ah Ka Amar Qaata

Reading Time: < 1 minute

Iyado weli ay yaalan duleedka magaalda cadaado isbaaroyin gaadid badana uu halkasi ku xayiran yahay aya Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug waxa ay sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin Isbaarooyinkaas la soo dhoobay Duleedka Magaalada Cdaado.

Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug iyo ku xigeenka ayaa Sheegay in ay jiraan arimo siyaasadeed oo Ciidamada Galmudug ka hor taagan in ay talaabo ka qaadan dadka Isbaarooyinka dhiganaya Deegaanadaasi waxa ayna ku baaqeen in la xaliyo tabashooyinka dadka qaar ee u nool Deegaanada Galmudug si Laamaha Amaanka Maamulka ay ugu Suurta gasho in ay Talaabo qaadaan.

Masuliyintan aya shegay in marar badan Ciidamada Amaanka ay isku dayeen in ay wax ka qabtaan dhibaada ka so cusbonatay deegaanada mamulkaasi balse aysan u Suurta galin ilaa iyo hada in ay ka taqalusaan Kooxahaasi dhibaatada ku haya dadka shacabka ah.