CC-Warsame“Wadada Soomaaliya loo maro Addis ayey ka soo bilaabataa”

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiinta iyo Dadka kale ee caqliga u saaxiibka ah waxaa ay aad uga xun yihiin arimaha foosha xun oo ay ku dhaqaaqeeyso Federaalka ah ee soomaaliya tani waxaa ay horseedi kartaa in dalku uu galo xaalad laga aamin baxo.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxaa uu ku sheegay in Kartida Xumida Farmaajo iyo Kheeyre ay sababtay in Abiy Axmed oo 2-saacadood joogay Muqdisho uu ka Saxiixdo Heshiis 4-dekadood ah.

”Markii aan Dawladii Imaaraadka kala dhimanay, markii aan walaalaheen Somaliland nafta ku dhibnay, markii aan Baarlamaankeenii xiijinay oo Xeer Gobonimo dhowr soo saareen, ayaa Abiy Ahmed oo sadkiisii horay u soo qaatay saacado kooban nooga saxiixay. Karti darida iyo hoggaan xumida siyaasadeed ee Farmaajo iyo Kheyre waxay dunida inteeda kale u dirtay fariin ah“Wadada Soomaaliya loo maro Addis ayey ka soo bilaabataa”sidaasi waxaa Yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame

Dowlada uu Hogaamiyo  Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo  ayaa fashil cad oo ula kac ka muuqdo gashay,waxaana la filanayaa in ay kusii baahdo hadii ayna Baarlamaanka ka fara maroojin talada dalka