CBB oo Weli Hawlgasha Been Iyo Dacaayadna Fidineysa. Ha ku Khatalmin.!!!

Reading Time: 2 minutes

Waxaa goob iyo gole walba uu ku amray Farmajo in MW Xasan Sheekh la dacaayadeeyo oo lagu bilaabo weerar joogto ah, wax kastana loo macneeyo si khaldan si shacbiga loo marin habaabiyo, looguna hayo mugdigii ay wax waliba kaga sugnaayeen.

CBB waxay dagaalkan soo wadeen muddo dheer waxayna hay’ado badan ku abuurteed canaasiir u shaqeysa, kuwaas oo aan marnaba dal iyo dad toona dan ka lahayn. Waxay bilaabeen MW Xasan Sheekh oo aan xilkala wareegin soona xulin RW inay ku bilaabaan weerarro marin habaabin iyo been isugu jira.

MW Xasan Sheekh Waxaa u yaalla inuu qabto shaqadii loo doortay iyo inuu saxo dhammaan wixii la halleeyey oo dhan.

Hogaaminta dalkaan u baahan yahay wey ka weyn tahay mushaarooyin la bixiyo, waayo waxaa la xayiray dhammaan adeegyadii bulshada oo dhan  sida caafimaadka, ammaanka, dhaqaalaha, ganacsiga iwm waxkasta oo ay ahayd inay dowlad sameyso. Waa yaabe ma ku qanceynaa in dowladdaan ay sameyso sidii dowladii Farmajo oo intay mushaarka bixiso kadibna iska sexato oo baraha bulshada dacaayad la taagnaato. Maya.

MW Xasan Sheekh waxaa hor yaalla waajibaad culus oo ay tahay inay cid waliba kala shaqeyso iska dhaaf in markale soo hadlaan CBB iyo koox dhuuni raacyo dharka dhigtay oo  reer waliba leh.

Maanta maaha goor la dhageysto CBB-da kuwaas oo uu weli biilo Cumar Filish, kana biilo lacag xoog looga qaaday shacbiga ku dhiban Magaalada Muqdisho. Dadka Somaliyeed waa inay  ka koraan in loo guulwadeeyo oo ay huuhaa iyo dacaayado wax ku cabiraan waxaana laga rabaa inay la yimaadaan halbeeg run ah sida:

  1. Waa qorshaha MW Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo aan ku cabiri karno in isbadal yimid iyo in kale.
  2. Maxaa nooga aadan haddaan shacbiga nahay.
  3. In aan ogaanno dalka inaysan lahayn koox dii yareyd ee NN ee dalka uu ka weyn yahay intaas loona baahan yaha yin si daacad ah loo aamino, looga shaqeeyo.

Hubaal waaye in dad badani ay ku lumeen dhowr qodob,  sababtuna waa fududahay. Qodobada ay shacabiga si daacad ah ugu  lumeen dadka waxay yihiin:

  1. Waddaniyadda Beenta ah ee Farmaajo. Hadduu waddani yahay maxay shacbigeenna u dhiban yihiin oo ay u cabursan yihiin?
  2. Soo celinta qabkii Somaliya. Qabku ma in Abiy uu hogaamiyaheenna-Farmajo- uu sidii caruur gacanta qabto uu Uhuru iyo Afawerki u geeyo, Ismaciil Geelle iyo Somalilandna cadow looga dhigaa?.
  3. Ciidanka oo aan soo dhisay. Ciidan uu Farmajo dhisay ma jiro ciidanka waxaa lagu dhisay dhamaantood heshiiyadii uu Xasan Sheekh la galay dalalka ciidanka noo tababaray marka laga reebo Erateriya oo 5000 dhallinyaro ah oo tababar loogu diray ay xaabo uga dhigtay Dagaalkii Itoobiya. Ogaada Ciidanka ma xuma ee waxaa loo adeegsaday si khaldanoo ma jirto hal magaalo oo ay shabaab ka xoreeyeen. Intaas iyaga ayaa la soo weerary oo waxay ku jireen difaac, waxaana dib looga qabsaday intaas oo degmo.
  4. Iyo Ku celcelinta beenta ee ay lacago badan ku bixiyeen welina ay ku wadaan taas oo ka baxda khasanadda Gobolka Banadir oo u baahan in laga joojiyo dhiig baxaas.

Dalka waxaa ka dhashay waa isbadal nidaam ee maaha madaxdweyne mid kale badalay, nidaamka cusub waxaa laga rabaa xeelad cusub, qorshe cusub, go’aanno cusub iyo waxa jira oo laga qaato waxa ugu wanaagsan. Marka shacabow Xasan Sheekh la xisaabtan 2026 adigaa oo aan lugooyadaada ka qeyb qaadan, waxaana xisaabtu noqonee halkeen joogno maanta iyo  halka hiigsigeennu shacab ahaan oo la cabiro 2026 haddii rabbi nagu simo. Maya CBB