Taageerayaasha Villa Somalia “MW Farmajo Beenlow ma ahan oo waa Oofiyaa Ballamadiisa”

Reading Time: 3 minutes

Qof aan ku ogahnahay inuu yahay CCB-da Farmajo u shaqeysa oo aan weli lacagtii laga goosan ayaa hadalkaan ka soo yeeray. Runtii waa la yaab in dad wali sidaan ummadda u marin habaabinayaan iyagoo calooshooda u shaqeynaya.

Waxay dadka Somaliyeed ka joogtaa Xildhibaanadii waqtigooda dhammaaday ma habaar ayaan ka daba dirnaa misa waan u cudur daarraa? Waayo iyagaa Farmajo ka soo dhex doortay intii kale ee la tartameysay oo ay ku jireen rag la soo tijaabiyey oo uu khaladkooda aad uga yaraa waxqabadka weyn ee ay soo qabteen.

Farmajo muxuu u Ballanqaaday xildhibaanadaas oo wada caadifeysnaa maalintaas kuna dhegabarjoobay hadalladii wan wanaagsanaa ee Farmajo ka hor jeediyey:

  1. In Ciidanka Amaanka uu siin doono mushaar Fiican, ilmahooda iyo iyagana guro fiican loo dhisi doona si ay waajibaadkooda u gutaa? Ma u fuliyey Maya. Mushaarka ciidanka, tababarkooda iyo xeryahooda waxba lagama badlin oo waa sidii dowladdiii hore uga tagtay. Wuxuusa ka dhinac abuurtay kooxo uu isaga u adeega oo ula baxay magacyo gaar ah oo ciidanka lagu doc faruuray oo aan jirin wax lagu dheefay dhibaateynta shacbiga mooyee.
  2. Jidadka la xerayo oo maalmaha o dhan waa caburin shacbiga lagu hayo ayuu u sheegay Xildhibaanada oo maalimaalinta meel shabaab looga shakiyo la xeri jiray xelligiii dowladdii hore barista ka dibna la furi jiray oo ay xildhibaanada markaas joogay dhibasadeen,  waxaysa u baxeen xernaan joogto ah iyo handadaad. Ballantisii ahayd haddii uu furi waayo wuxuu gadaal ka galayaa baaburkii  qafilnaa oo horay looga saaray dalka xelligii KMG? Maya ma fulin, gaarigiinna ma gelin magaaladiinna nabad ka dheer.
  3. Qofkii qarax soo sheega waxaa meel loo dhigayaa $1 milyan, dalkana waa laga dhoofinayaa. Xildhibaannaa ooyey maalintaas markii ay hadalkaas maqleen oo sugu wayey inta uu khudbad beennaadda ka dhameynayo ee sanduuqa codeynta laga gaarayo. Ma fuliyey? Maya.
  4. Guryaha iyo hoteellada ay shabaab dumiyaan waan dhiseynaa ayuu faan iyo jees jees u yiri hal guri ma dhisay? Maya
  5. Dadka ku dhintaa waxaa siineynaa magdhow, ilamaha ku agoomoobo waxaan usii wadeynaa waxa uu waalidkii dhintay siin jiray. Alla warkiisu macaanaa oo khiyaana badanaa? Ma fuliyey? Maya.
  6. Sarreynta sharciga oo haddii madaxdweynuhu ka gaabiyo inta kale waa ka gaabinayaan waa runtiis oo waa waxa uu sameeyey oo uu xataa diidan yahay gabar gabbadhiisa la fac ahayd oo la leeyahay waa gowracay inay caddaalad hesho. Wuxuuna ballan qaaday in sharcigu sarreyn doono. Subxaanallah war qofku aakhiro ma soo xaadirayo miyaa? Oo intaan oo been ah ma oga miyaa in la weydiin doono? Ma fuliyey ballanqaadyadii? maya.
  7. Wuxuu tusaale u soo qaatay in madaxweynihii waqtigaas uu hadlayey joogay uusan sharci ku fadhin maadaama uu waqtiga ka dhammaaday walow doorashada uu ka hadlayaa ay socotay . Tollow Farmajo dhego wax maqla iyo caqli wax xisaabiya ma leeyahay ? isaga 8 bilood muxuu ku fadhiyaa, isagoo diidan inay doorasho dhacdo haddii uusan ku shubaneyn? Yaab.
  8. Wuxuu Farmajo qeexay waallida oo uu yiri “waa qof maalin walba sameynaya wax khalad ah, kuna celcelinaya kadibana ka raba inay ka soo baxanaa wax sax ah” Tolow sifadaas cad oo waalli ah intuu ka galayaa isaga oo la ogyahay inuu yahay laba miirre (bipolar)?

Hadda wuxuu diidan yahay inay doorashadii xildhibaanadana si sax ah u dhacdo, wuxuu raadinayaa fursad uu ah inuu helo in si uun loo qabto doorasho gacan ku rimis ah oo uu ku soo noqdo, kadibna uu qolkiisa ku noqdo, Fahad iyo Shabaabna na laayaan.

Haddaba Somaliyey maxaa naga dhigay dadka uu sheegayo Farmajo oo intaan doqomo iyo dad waalan u dhiibannop hoggaanka u sugeynaa inuu dalkeenna hagaago oo uu horumar sameeyo sida Kenya iyo Ruwanda. Runtii waa ma dhacdo  in isbadal wanaagsan uu yimaado haddii waddada aan madaxdeenna ku doorrannaa aan badalin oo aannaan hubin taariikhda iyo waxqabadkiisa qofka aan hoggaanka u dhiibaneynaa waxaan ku sifoobeynaa waxa uu Farmajo sheegay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!