Laga yaabe inaad isweydiiso MOL maxay su’aashaan isu weydiineysaa? Sabatu waa ogaada maalin Walba waxaa la waayaa hal door Somali ah ,Madaxdeennuna kama naxaan oo xataa kama tacsiyadeeyaan marka xaalladu qoyaan tahay, waayo waxay ka cabsanayaan in mas’uuliyadda loo qaabsado.
Maanta waxaa la waayey hal door Wariye aad u qiimo badan, Cawil Dahir Saladoo ku baxay gacanta cadowga, laakiin mas’uuliyaddu ay leedahiin Farmajo iyo Kheyre.
Cawil Dahir Salaad waxaa uu ka mid ahaa wariyayaasha sida aadka ah dowladdaan ugu dhow, taas oo dad badani ay u arkayeen inuu marmar codkiisa ugu hillin jiray waxaanu aaminsanaa aragtida ah inay saa tahay in la taagero dowlada si ay u noqoto dowlad wax uun ka tagta 20/21 markey tageyso. Maxaasa lagu garayaa ka hor ayaa hal doorro sida isaga ah la wayaayaahe.
Waa yaabe maxay dowladdaan ugu mashquul tahay howllo faan ku dhisan oo aan xaaladda dhabta iyo dhibaatada jirtaa wax ka qabaneyn.
Ku Fashilmidda Ammaanka Dalka:
Amaanka dalka gaar ahaan Caasimadda waxaa isku haysta kooxo aad mooddo inay isku dan yihiin taas oo dantoodu ay tahay in awoodda ay gacantooda ku urursanaato shacbigana ay cabsi ku hayaan. Qaraxyadaan maanta waxay cid waliba is weydiineysaa sidee aayey halkaan ku soo gaareen qarxiyayaasha yaasa u fududeeyey? Halkaan Ka akhriso
Wali ma anaan maqal madaxweynaha oo inta waxaan oo hoog iyo halaag umadeed ah dhibsadaa soo saara amar ah in la qaado taallaabooyin ammaanka khuseeya laakiin uu ka daacad yahay, kuwa uu soo saarana meel ma tagaan waayo isaga ayaan ka daacad ahayn, oo inay fuli waayaan cidi looma qabsado. Qowda maqashii waxna ha u qaban.
Sidoo kale RW Kheyre ayaa la mid ah oo isagana macna badan uma sameyso rafaadka umadda nasiibxumo darted uu u noqday R/Wasaare. Waxayna labaadooda heshiis ku yihiin in malaayiin dollar lagu bixiyo laaluush iyo in wax jiraa oo markaas la dugsadaa laagu dumiyo.
Runtii waa nasiib xumo dadka Somaliyeed ku habsatay. Aadanuhu waa kii tashadaa oo xal u doondoonaa dhibaatada haysataa. Madaxda maanta maadaama aan aragnay inaysan awood u lahayan in ammaanka wax laga qabto waa in loo howlgalaa in la baadalo oo lagu badaloo cid wax qaban kartaa. Dadka Somaliyeed waa inay mar waliba xoog u codsadaan in dowladuhu ay wax qabataan, lana joojiyo dhageysiga faakooda ee ficilladeeda la fiiriyaa. Maxaa khasabaya in la sugo muddada loo cayimay haddii ay faashil yihiin.
Nin aad guriga ii nadiifi tiray muddo 4 saacadood ah ee daadradda markii uu 2 saac shaqeyayey kaa gubay ma waxaad u sugeysaa inuu 4 saacadood dhameystaa oo guriga kaa wada gubo? Dowlaaddaan waa sidaas aragnay laba sano ma intey wax waliba baa’iso ayaan sugeynaa?
Ba ila araga maxay qaban kartaa oo dhiman dowlad baro kontarool ay u yaalliin laga soo billaabo kontroolka Balcad iyo ilaa kan Afgooye , kuwaas oo marka la isku daro gaarayaa 15 bar kontrool haddii madaxdtooyadii loo soo jirsaday wax hal KM ka yar.
Dadow waxaa cad haddaan layska indha tireyn in dawladdaan MW Farmajo iyo Xasan Cali Kheyre ay fashilantay oo inay wax ku sii dheeshomooyaane aaney waxba qaban Karin.
Bal u fiirso dowladdu markey xumaan u dhaqaaqdo ama ay xumaan rabto waa fulisaa, sida soo saarista wiilka Farmajo ee Laftagareen una xasuuqay shacbiga Baydhabo si jubbooyinka loogu kala daadiyo, Barawana looga dhigo saldhig calooshood u shaqeystayaal -Blackwaters iwm iyo ciidan Itoobiya/Ereteriyaan ah.
Sidoo kale waxaa Xamar loo soo wadaa 8000 askari oo manaxayaasha Erateriya lagu sheegay walow Itoobiyaan ay noqon karaan ama dharkooda loo soo geliyo waxaana lagu caburin doonaa dadka hadda aamusan ee Gobolka Banadir. Hubaal waxaa ah inaad ka shalleyn doontaan reer Muqdishow aamusnaantiina waliba kuwa dhuuniqataayaasha igu shubada ku nool oo dadnimo ka dhaxli lahaa haddey codkooda dheer idiin kugu hiillin lahaayeen mustaqbalkiina ka fekeri lahaayeen. Waa masaarey haddaan gabalkey kugu jirin ima goyseen. Haddii ay shacbiga Muqdisho dhibaatadeeda ay ka qeylin lahaayeen Cali Maxamed Geedi, Tarzan, “Sheekhyaasha” kala ah: Cali wajiis, Bashiir Salaad iyo Nuur Baaruud. Siyaasi ismoodyada Salaad Cali Jeelle, Jeesow iyo Awliyo maanta Muqdisho mansab iyo awood qaran ayey lahaan lahayd balsa waa shiribkii ahaa “Ninkii Rabaahu hay rartee Aniga rootiyaan Rabaa”.
Hogaamiye Isbadal Keen ah
Waa waqtigii uu hogaamiye soo bixi lahaa waayo hogaamiyaayaasha dhabta ah ma ahan kuwa dowladaha u sacabtuma intay nanac qaataan ee waa kuwa ka damqada dhibka shacbigooda lagu hayo. Hogaamiyahee dhibsada Jidadka masaakiinta ka xeran, Xasuuq aan loo aaba yeelin , qarraxyo meeshii la doono laga rido, canshuur xoog lagu qaado oo jeebabka lagu shubto sida Beyle iyo Oomaar?
Maya wali ma hayno ee waa inuu ka dhashaa dhibaatooinkaan hogaamiye isbadal doon ah oo na hogaamiya. Si qofku uu hogaamiye u noqdaa waxay u baahan tahay geesinimo, aragti fog, dadnimo aan daneysi ahayn ee akhristow ma adiga maqaalkaan akhrinaya misa mid kale ayaa wax bideysaa oo aad tilmaameysaa?
Rabbigii abuurtay ha u naxariistay walaalkeen Cawil Daahir, waxay isheydu haysaa halkii lagu gowracay? Yaasa ku xigi doona?