Cawil Daair oo Guri  Weeyn ka dhisanaayo Agagaarka Garoonka Aadan Cadde ka dib Lacag uu ka qaatay Gobolka Banaadir iyo Villa Soomaaliya!!

Reading Time: < 1 minute

Waxaa cajiib ah oo su’aalo la iska weeydiinayaa side ruux aan xil muuqda ka heeyn dowlada uu lacago fara-badan oo malaayiin doolar ah uga qaadan karaa,waxaa kale oo la yaab leh side Madaxda Dalka loogu sheegi karaa been iyo Boranbagaando Dhaqaalle looga cunaayo,waa jawaab fududu oo ah dhamaantood ayaa darka wada gashto hanta Musuq maasuaqa.

Cawil Daahir Salaad waxaa uu ahaa kabiirkii Kooxda Qaaqlayaasha oo hadba meel la soo istaago Beenta  Kooxda Qiyaano qaran asigoo u galinaayo shaati afmiishaarnimo oo uu caan ku yahay,tani waxaa ay qasabtay in uu helo dhaqaalle wanaagsan oo uu ku dhisto Guryo.

Warar aynu helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Wariye Cawil Daahir Salaad  uu guri weeyn ka dhisanaayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Meel u dhaw garoonka Aadan Cadde,waxaana ka baxay dhaqaale fara-badan oo lala yaabay.

Lacagta lagu dhisaayo Gurigaan iyo Kuwa kale oo magaalada muqdisho uu ka dhisay ayaa waxaa la aaminsan yahay in uu ka qaaday Xafiisyadda Kooxaha Qaaqlayaasha iyo Qiyaano qaran kuwaasi oo gacanta ku haaya Maamulka Dowliga ah ee dalka islamarkaana hadba sideey doonan u Maamulanaayo.

Xogtii ugu dambeeysay ee aan helnay ayaa waxaa ay sheegeeysaa in hada Maamullka Gobolka Banaadir uu ka qaadanaayo Lacag dhan 40,000$ oo lagu dhameeys tiraayo Guriga ku yaala Agagaarka Garoonka Aadan cadde.

Cawil Daahir Salaad waxaa uu caan ku yahay Musuq maasuqa iyo ka Qaxweeynta Xafiisyada Dowlada oo qaarkood looga yaqaano,Micraphone Cheek-lacag ah wata.