Cawaaqibka Heshiiska Dekadda Berbera loogo Wareejiyey Itoobiya iyo Imaaraadka

Reading Time: 3 minutes

Waxaa dalka Imaaraadka lagu saxeexay heshiis dhul Soomaliyeed maamulkiisa iyo macaashkiisa loo wareejiyey dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka. R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo ay Barlamanka hadda jiraa u soo doorteen inu Somaliya hogaamiyo afta Sano ee Socota ayaa waxaa uu goobjoog faraxsan ka ahaa heshiis ay muddo wadwadeen maamulka Somaliland oo ahaa in 70% Dekadda Berbera dheefteeda farta laga saaro dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka. Heshiiskan oo dhaawac weyn ku ah qaranimada Somaliya waxaa horay uga digay, si cadna u diiday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud Mahad badan haka gaartee. 

Muqdisho Online (MOL), waxay in muddo ah ka digeysay in Xasan Cali Kheyre, Fahad Yasiin, Jamal Xasan,iyo Madaxweyne Farmaajo ay dalkan ku wadaan bohol uusan ka soo waaqsan karin. Haddaba waxaa soo baxday cabsidii iyo digistii MOL oo waxaa dalka Imaaraadka lagu iibiyey Dekadda Berbera oo bilow u ah dekadaha Somaliya oo dhan iibintooda. R/Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu soo warramaayaa in dhowr arrimood uu kula heshiiyey dalka Imaaraadka una oggoladay tasiilad badan oo qaarkood ay sharciga dalka baal marsan yihiin. 

Si haddaba uu heshiiskaan uu u yiraahdo dawladdeydu waxba kama qabto R/Wasaare iyo Kooxdiisa waxaa soo gaartay lacag dhan tobaneeyo milyan oo doller, iyadoo lacagtaas inta ugu badan la kala siiyey Kheyre iyo shirkaddiisan SOMA-OIL and GAS oo $12 milyan ayaa hoos loogu dhigay Xasan Cali Kheyre laftiisa.

Xasan oo xalay la casheeyey xoghaynta Musa Bixi, kana helay farriin xaggaas uga timid, ayaa markii uu waagu baryey ogolaaday inuu Imaaraadka la saxeexo heshiis kaas oo fasaxaya in shirkadda DPWorld ay toos ula geli karto heshiisyo maamullada iyo shirkada Somaliya.

Su’aasha taagan waxay tahay madaxweyne Farmaajo ma wuxuu R/Wasaarihiisa u  diray inuu soo iibiyo dekadaha iyo kheyraadka dalka, kadibna ka soo qaado xoogaa dhandhamma ah. 

Itoobiya  oo uu Kheyre 19% ka siiyey dekadda Berbera.

Waa wax lala yaabo in dalka Itoobiya oo la ogyahay taarikhda ay Somalia kala gayoodeen in dekada Berbera ee lagu dhisay canshuur shacbiga Somaiyeed laga guray inay maanta ku yeelato saami iyadoon aysan jirin wax sabab ah oo kallifi kara arrinkas. Maanta Berbera ay Saami ku yeehseen laakiin Kismayo iyo Baraawe waa wada qaadanayaan. Aaaway haddaba kuwii is ooysiin jiray ee oran jiray Itoobiya ayaa gacanta loo gelinayaa dalkaan haddadan xildghibaanooy ka qaban, maanta so si cad looguma saxeexin in ay qaataan qeyb weyn oo dalka ka mid ah.

Haddaba aaway Barlamankii  Farmaajo gacanta u geliyey dalkaan oo qeyb ka mid ah si caqliyeysan ugu daray dhulkii ay horay haysatay Itoobiya. Arrintaan maaha wax loo cafin karo Farmaajo iyo Kheyre waxaana eedda la yeelanaya goloyaasha shacbig haddii aysan ka hadlin. Dhinaca kale, Madaxweyne armaajo oo caadadiisa ay tahay  in dhagahiisa iyo afkiisa aysan is maqal  ayaa heshiiskan waxaa uu ballanqaaday mar hore inuu golaha shacbiga horgeyn doono, laakiin lama horgeyn maantana waa la saxeexay berina waa dhaqan galayaa. Dawladda Somaliya ku meelgaar ah heshiis kasta oo ay saxeexdo waxaa uu istaagayaa lama jebin karo. Waxaad xusuusataan dhibaatada ay dawladdii Xasan Sheekh martay waraaqdii is fahamka ahayd (MOU) ee Kenya si sibiq ah uga saxeexday Somaliya.

Haddaba maanta oo si cad loogu saxeexay Dalka Itoobiya waxaa adkaan doonta in saamiga laga siiyey Dekadda Berbera waligiis dib looga celiyo inuu kororsado mooyee, waana halkii ay ka soo gali lahaayeen yeelashada Somaliya si qeyb qeyb ah, kadibna la noqdo kililka 6aad ee Itoobiya.

Talo:

Barlamanka waxaan talo ugu soo jeedineynaa inay tuuraan heshiisyada dekadaha, Kheyre iyo Farmaajana eryaan si kawa ka dambeeya cashar logu dhigo, ummadda Somaliyeed ay ogaato inay leeyihiin waddiniyiin wali cool.

Halkaan ka dhageyso Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudanayey xilkii loo igmaday; Ilaalinta hantida qaranka.