Catowga Jawaari ee Maanta Waa Doqonimadii Shalay uu Falay Abaalkeed.

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sanado badan kadib waayey kursigiisa xildhibaannimo oo bannaanka dhigay, laakiin beentu waxay qeyb ka tahay nacasnimada. Runtu waxay tahay Jawaari maanta ma waayin Kursiga ee wuxuu waayey 9kii April 2018, kadib markii uu si lama filaan ah isu casilay isagoo awooday inuu Barlamanka hortago sheegana in dalka uu khater kalitalsinimo kusocdo.

9kii April ayaa waxaa soo baxay hadalkaan  “Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudeey ayaa goor-dhaw sheegay in uu iscasilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.”Waqtigaas waxay bulshada  Somaliyeed oo dhan diyaar u ahaayeen inay Jawaari ku taageeraan inuu dalka ka badbaadiyo Farmajo iyo Kheyre waddada halista ah ee ay ku wadeen dalka, laakiin wuu ka gaabsaday, waana ka abaal ka dhacay  shacbiga oo waxaa uu is casilay iyadoon laga fileyn lagana wada xumaaday.

Jawaari maanta ayuu wajahayaa habaarkii iyo naceybkii ay dadka Somaliyeed u qaaday maalintaas waxaana maanta isaga ihaano ugu filan hadlkaan “Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa diiday inuu ogolaado musharaxnimada Jawaari inuu is sharraxo, ayada oo guddiga doorashada Koonfur Galbeed lagu amaray inay u diideen shahaadada musharaxnimo”.

Waxaa la hubaa in cidda awooddaas leh ee sida xaragada leh u diiday Jawaari  go’aankana uu ka yimid ayaa ah Ninka dalka ku horkaadsha maanta maalin kale yeelkeede Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saari Karin Jawaari iyo kuwa la midka ah ee qaranimada iskaga ooysiiya.

Mudane Jawaari Shalay ayaad na gabtay maanta ayuu rabbi kaa guday oo wiil dufleh oo abti loo yahay  uu kaas oo eryey magaaladii aad u nasab sheeganeysay iyo dadkii aad u aqoonyahan qarankan u soo shaqeeynayey ilaa horraantii lixdanaadka.

Haddaba siyasiin badan oo doqomoobay muddadii uu soo baxayey Farmajo iyo intii u joogay guryahooda ha ku sugaan Shabaab iyo NISA oo wada socda inay habeen bar ku soo jebiyaan si buuqooda looga takhaluso. “Kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jaawaari waxaa iska leh  musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed ehelna aan nahay” ayaa laga hayaa Laftagareen.

Qof waliba waxaa muhiim ah inuu ogaadaan Maanta qof kasta oo Farmaajo horey ula soo dagaalay ama ay isku dhaceen, haddana ka ammuusay gefkii lagu saameeyey, Maanta jidkii Jawari ayaa la marsiin doonaa. Farmaajo dadka iyo dalkaba uma turayo ee Kuwa leh dadka iyo dalka dartood ayaan u ammusanahay ogaada dalka iyo dadkaba waa la baabi’in doonaa.

Waa kala hufkii iyo kala haadintii Dalka

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!