Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dad ku sumoobay degaanka Ceel-daahir oo hoos taga degmada Carmo ee gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari.
Faadumo C/laahi Cade oo ah maamulaha Isbitaalka degmada Carmo ayaa warbaahinta u sheegtay in dadkaan ay sumoobeen kadib markii ay Cabeen Caano ku jiray Caagado, islamarkaana ay isugu jiraan Haween iyo Carruur.
Waxa ay tilmaamtay in dadka qaar ay xaaladooda liidato, inkastoo dhammaan dadka waxyeellada soo gaartay la baxnaaninayo, lana geeyey xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaankaasi iyo degmada Carmo
“Ilaa 45 qof ayaa xanuunsaday kadib marka ay cabeen Caano deegaanka ,waxaana kasoo gurmaday degmada Carmo” ayay tiri Agaasimaha Isbitaalka Carmo.
Marar badan sidan oo kale waxaa u sumoobay dad si lama filaan ah sun uga soo raacday raashiin ay cuneen iyo caano ay cabeen.