Caruur Badan oo Xaaladooda Laga Deyrinayo Kadib Guurista Biyaha Wabiga Shabeele

Reading Time: < 1 minute

Deegaanno ka tirsan Gobolka SHabeelada Dhexe ayaa waxaa ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka oo saameyn ku yeeshey bulshada kunool Gobolkaasi,iyadoo ilaa 5 qof ay ugu geeriyoodeen Cudurkaasi Gudaha Isbitalka Guud ee magalaada Jowhar.

Isbitalka Guud ee magaalada Jowhar ayaa waxaa jiifo Bukaanno badan oo la il daran Cudurkaasi Shuban Biyoodka ah,kuwaasi oo laga kala keeney xaafado kamid ah magaaladaasi iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Dhaqaatiirta ayaa Cudurkan ku sababeeyey Wabigii SHabeelle oo Guray iyo Isticmaalka Biyo wasaqeysan,kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay dhaliyeen Cudurkani oo sii kordhaysa tirada dadka uu soo ridanayo.