Carruurtii Dhibbane Qalbi Dhagax maxaay naga mudan yihiin?

Reading Time: < 1 minute

 

Kamaaludin Cabdikarin Sh. Muuse, Ibrahim Cabdikarin Sh. Muuse, CabdullahiCabdikarin Sh. Muuse iyo Caasho Cabdikarin Sh. Muuse. Waa carruurtii dhibbane Cabdikarin Sh. Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaantan aay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay cadowga Itoobiya.

Haddaba carruurtan waxaa aay naga mudan yihiin in bulshada Soomaaliyeed aay jawaab ka bixiyaan gabood falkii loo geystay aabahood Cabdikarin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Qof walba oo Soomaali ah oo daawada videogan wuxuu dareemayaa gafka loo geystay muwaadin Soomaaliyeed oo laga afduubtay dhulkiisii hooyo, balse akhristow ma cabbira kartaa waxa aay dareemayaan carruurtan aan qaan gaarka ahayn oo og in aanay aabahood dib danbe u arkeyn.

Waa uurkutaallo iyo tacaddi loo geystay carruur Soomaaliyeed oo abahood loo gacan geliyay cadow aan ognahay waxa uu ku sameyn doono.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa oo kaliya aay u sameyn karaan carruurtan ayaa ah, in aay kula tacaalaan in kuwii ka danbeeyay falkaas la abaal mariyo. Waa soo shaqo tagaan waxayna u soo noqdaan carruurtooda balse Kamaaludin Cabdikarin Sh. Muuse, Ibrahim Cabdikarin Sh. Muuse, CabdullahiCabdikarin Sh. Muuse iyo Caasho Cabdikarin Sh. Muuse, dib danbe uma arkayaan aabahood Cabdikarin Sheekh (Qalbi Dhagax)