Carruur ku geeriyootay dab qabsaday guri ay ka deganaayeen Boorama

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab khasaare badan dhaliyay oo ka kacay guri ku yaalla Magaaalada Boorama, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo so gaaray Qoyska Gurigooda uu dambku ka kacay.

Wararkaa ayaa intaa ku daraya in dabkaasi uu ka kacay Xaafad lagu Magacaabo nafaqo oo ka tirsan Magaalada Boorama, waxaana inta la xaqiijiyay dabkaasi ku dhintay seddex caruur ah.

Carruurta  ayaa ahaa walaalo kasoo jeeda hal qays,waxaana la sheegay inay gudaha guriga gubtay ay ku jireen Xiliga dabku ka kacayay, halkaasna ay ku geeriyoodeen. Guriga dabku qabsaday ayaa gabi ahaanba bas beelay, waxaana sidoo kale lasoo sheegayaa khasaare hantiyeed oo aad u badan oo dabkaasi uu gaystay.

Faah faahin kama soo bixin maamulka magaalada oo ay kaga hadlayaan khasaaraha rasmiga ah iyo waxyaabaha sababay dabkaasi dhimashada iyo dhaawaca gaystay.