Caqabadaha uu la kulmi karo MW Farmaajo haddii lagu caddeeyo danbiyada.. (Wax ka ogow)

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ka qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo shir albaabada u xirnaa kula qaatay Guddoomiye Mursal xarunta Villa Hargeysa ayaa u gudbiyay Mooshinka Madaxweynaha.

Waa markii ugu horreeysay taariikhda Soomaaliya oo laga keeno mooshin si sharci ah Madaxweynaha JFS. Weli ma dhicin inta la ogyahay taariikhda in madaxweyne lagu eedeeyo ku xadgudubka shuruucda dalka iyo qiyaano qaran.

Haddii ay Baarlabaanka JFS cod ku ridaan MW Farmaajo oo lagu caddeeyo in uu galay falalka danbi ee lagu soo eedeeyay ayaa waxaa uu muteysan doonaa in la maxkamadeeyo oo haddii ay maxkamadda ku caddeeyso danbiyadaas uu muteysan karo xarig isugu jira xabsi daa’in ama dil toogasha ah.

Eedeymaha loo soo jeediyay MW Farmaajo oo ah eedeymo mug leh oo uu xilkiisa iyo xorriyadiisaba ku weyn karo aya waxaa ka mid ah qodoboada lagu soo eedeeyay:

  1. Ku xad-gudubka mabaadii’da iyo shuruudaha Isku-celinta eedeysaniyaasha iyo dembiiliyaasha.
  2. Ku xad-gudubka Xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed,
  3. Ku Xad-gudubka awoodaha iyo xilka Madaxweynaha.
  4. Ku Xad-gudubka mabaadii’da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaallo sokeeye

5 – Ku xad-gudubka mabaadii’da ciidamada amniga, Xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo go’aanada Golleyaasha Baarlamaanka.

Waxa lagu wada in maalmaha soo socda ay bilaabato ka doodista mooshinka kalsooni kala noqoshada MW Farmaajo, waxaana la saadaalinaya in ay qaadan doonto muddo bil ah ama ka badan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!