Canada oo shaacisay in ay dib u bilaabayso qaadashada qaxootiga Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Canada ayaa markale shaacisay in ay dib u-dejin u samaynayso in ka badan 240 Qaxooti ah oo sharci la’aan ku haysato waddanka Australia. Qaxootigan oo u badan Soomaali, ayaa ku dayacan gudaha Australia iyo jasiiradda Papua new guinea, kadib markii dowladda Australia u diiday in ay aqoonsi siiso.

Dhanka kale, Dowladda Canada oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, ayaa sheegtay in ay qaabilayso dhammaan Qaxootigaas sharci la’aanta ku ah Australia. Go’aankan ay ku dhawaaqday Canada waxa soo dhoweeyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan waddanka Australia.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!