Cali Yare oo dhuusamareeb ka bilaabay kacdoon ka dhan Ahlusunna (yaa amray in Dacaayad laga faafiyo shaakir)

Reading Time: < 1 minute

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa laga bartay in la aflagaadeeyo shaqsi walba oo ka aragti duwan islamarkaana laga faafiyo xogo-been abuur ah oo aan jirin.

Iyadoo ay sidaasi jirtà ayaa waxaa lagasoo warinayaa Magaalada Dhuusamareeb war aan u wanaagsaneeyn shacabka reer Galmudug kaasi oo uu ku kacaayo Cali Yare Cabdi Wardheere”jeeb ku jire”

Dhawaan waxaa dhuusamareeb ka dhacay kulamo gooni gooni ah oo looga soo horjeedo Ahlusunna,waxaana weerar qaawan lagu qaaday Shiikh shaakir iyo culumada kale.

Sidoo kale waxaa madashaasi la keenay xubno aragga ka naafo ah kuwaasi oo lagu yiri dhaha”Ahlusunna ayaa i dili rabtay”

Ka dib  baaritaan dheer oo ay sameeysay Muqdisho Online ayaan ku ogaanay in kulamadaasi lagasoo abaabulay villa Somalia islamarkaana cali Yare u wakiishay dhalinyaro dhuusamareeb joogta.

Dhanka kale waxaa baraha bulshada la wareejinayaa dacaayada iyo Aflagaadada Ahlusunna,waxaana faafinaayo koox Nabad iyo Nolol ku taageerta Social Media-yaha islamarkaana la durduriya hadba waxii loo dhiibo.

Waa dhaqan aad u foolxun aflagaadeeynta hadba ruuxii aad isqabataan,waxaana laga bartay Farmaajo iyo kooxdiisa

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!