Cali Xarbi oo ka cadeeyay sababta uu u dilay xildhibaan Sir David Amess

Reading Time: < 1 minute

Cali Xarbi Cali oo ah Soomaali heysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigay sababta uu u dilay xildhibaan  Sir David Amess  oo katirsanaa Baarlamaanka UK.

Wiilkan 26 jirka ah ayaa sababta ku qaaday dilka xildhibaanka ku sheegay inuu ugu aargudo dhibaatada lagu hayo shacabka Siiriyaanka ah, isagoo tilmaamay in weerarkiisa ay fariin cabsi galina u tahay xildhibaanada isaga lamidka ah ee codkooda ku dhibaateeya dadka muslimiinta ah.

“Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu yiri Cali Xarbi.

Wiilkan oo uu dhalay siyaasiga Xarbi Cali Kulane oo mar soo noqday madaxii warfaafinta xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa xeer beegti kiiskiisa dhagaysanaysay kahor sheegay in kutala gal u dilay xildhibaanka.

“Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu yiri Cali Xarbi.

Sir David Amess oo laga soo doortay deegaanka Southend West ayaa toori lagu dilay 15-kii October 2021, Waana xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. Sanadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha.