Cali Xaashi: “Anaga oo xayn xildhibaano ah lacag dheeraada, joogtana ah baa xafiiska Xassan na looga qoray”

0

Cali Xaashi oo ka mida xildhibaanada ka tirsan Gudiga Maaliyadda ee Baarlamanka ee dhawaan uu soo qortay RW Kheyre ayaa waxa uu si aan ku talagal ahayn u kashifay lacagta joogtada ah ee isaga iyo xildhibaano kale laga siiyo xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Cali Xaashi oo asbuucii hore ku sugnaa magaalada Jabuuti ayaa asxaab uu kula kulmay halkaas oo ay ehel yihiin kana yimid qurabaha ugu sheegay in isaga iyo Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre uu ka dhaxeeyo xiriiir hoose isla markaana uu ka mid yahay xildhibaanada uu sida joogtada ula tashado. Xildhibaanka ayaa la waydiiyay danta gaarka ah uu ku hayso RW Kheyre maadaama uusan beesha hoose wax la taaban karin u qaban. Xildhibaanka ayaa yiri “Anaga oo xayn xildhibaano ah lacag mushaar joogta ah baa xafiiska Xassan na looga qoray, hade waa lacag mug ah oo aan wax badan ku qabtay”.

RW Kheyre ayaa waxa uu mushaar ka baxsan mushaarka xildhibaanada loo qorsheeyay  siiyaa Xildhibaano uu ka dhex sameeystay baarlamaanka. Lacgata xildhibaanadan la siiyo ayaan la sheegin halka ay ka timaado laakiin waxa  la qiyaasayaa in ay qayb ka tahay lacagta lacagaha faraha badan leh ee ku maqan dowlada oo aan wali cadayn loo haynin meesha ay ku baxday. Xildhibaanada Mushaarka dheeraadka ah  qaata aayaa lagu qiyaasaa kuwo ka badan 40 xildhibaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here