Cali Maxamed Geedi”Beesha Habar Gidir Anigaa ayaa aqaan sida loo xasuuqo”

Reading Time: 2 minutes

Cali Maxmed Geedi oo aan looga baran caqli badan iyo run ayaa waxaa muuqata in Madaxeyweyne Farmaajo u isticmaalayo in uu abuuro jawi colaadeed oo lakala dhex galiyo qabaa’ilka Soomaaliyeed. 

Warar hoose oo ay heshay barta Muqdishu Online ayaa sheegaya in Ali M Geedi la siiyay lacag $20,000 islamarkaana loo cusboonaysiiyo shaqtiga uu qaadka uu ku keeno magaalada Muqdishu. Cali oo ah qof aan ka sariigan ceebta ayaa fursad u arkay in la aflagaadeeyo qabaa’il isla markaana abuuro jawi keeni karo in dagaal colaadeed ah.

Sanatar Muuse Suudi yalaxow ayaa yiri “ Farmaajo hadii uu xoog ka raadshay nin beeshii uu ka dhashay albaabada ka xirayay, waxaa muuqata in uu god ku sii dhacaayo”

Nin ganacsatada magaalada Muqdishu ku nool oo diiday in la sheego magaciisa ayaa yiri “ Cali Geedi dhib ayuu u siyaadihaa Farmaajo, hadaladuu ku hadlayna waxaa ay abuurtay dareen shaki  abuuuray” Waxa uu ku daray. “Reer Muqadishu iyaga ayaa u mudaaharaaday Farmaajo marka laga gardarnaa, doorashadiisna ayaga ayaa soo dhaweeyay, Waxaase muuqato in uusan haynin caqli uu haysto Kusiga Mar hadii uu Cali Geedi caqli ka raadiyay”

Cali Maxamed Geedi ayaa habeenkii Xalay kulan kuu qabtay gurigiisa ku sheegay “Aniga ayaa aqaan sida Habar Gedir loo xasuuqo, waan idinka aqaan oo anaga ayaa is xigno, walaahi waxaan cabsi ahayd wax kuma laha” Waxa uu ku daray “ Sida aan ku wadahadalnay aniga iyo Farmaajo, hadii Ra’isal Wasaare la iga noqo waxaan balan qaadayaa jn aan Habar Gedir ku celiyo bankii “Wasil” iyo Tuuladii Gal Qoryaale”

Imaan mohamed Yusuf oo warkaas maqlay ayaa yiri “ kan Soomaaliya waa taqaan, waana lagu danbaabaya ee warkiisa wax ka qabad ma laha” imaanka ayaa ku daray “Qaraab ayaa ku raadinayaa warka uu sheegay, waxaase la yaabanahy kuwa beeeti Cali Geedi caqli ka raadiyay”

Farmaajo oo doonayo in uu isticmaalo Cali Geedi ayaa u balan qaaday in Ra’isal Wasaare uu ka dhigano Cali Geedi marka Kheyre la baxsho