Alle waxaa uu ruux walbo u yeelay dhul iyo dheef uu ku noolaado inta uu dunida jiro,qowmiyad walbo waxaa ay gooni u leedahay dhul ay Nagi ku tahay.
Gobol walbo oo ka mid 18-ka gobol ee dhulka xorta ah ee soomaaliyeed waxaa ku abtirsada dad soomaaliyeed kuwaasi oo ku nool waxeeyna mid waliba u leeyiheen,maamul iyo maqaam.
dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay waxaa soo if baxay muran iyo dood kulul oo ka dhalatay hadal laga been sheegay oo Baraha buslahada lagu baahiyay kaasi oo lagu yiri siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur ayaa Yiri”xamar dadbaa marti ku ah”
Waa sax hadiiba uu sidaasi yiri maxaa yelay gobolka banaadir waxaa ku abtirsada dad soomaaliyeed waxaana muhiim ah in iyagaas lagu tixgaliyo balse waxaa macquul aheeyn in 17-gobol ee kale qolo qolo loo yeeshay Banaadirna la wadayeesho.
Cali Maxamed Geedi oo mar dalka Ra’isul wasaare kasoo noqday ayaa dhawaan hadlay waxaa uu sheegay in gobolka banaadir ayna jirin Qabiil ama qolo si gooni ah leh islamarkaana aan marti lagu ahaan karin.
Caasimadaha Aduunka mid walbo waxaa lagu qadariyaa dadka dhaxalka u leh dadkii muqdisho loogu yimid iyaga ayaa hada dibad joog ka ah mana ka xumo lakiin caliyoow waa wax laga xumaado inaad u hadasho sidii nin Shidaal aan buurneeyn lagusoo shubtay
Hadaba halkaan hoose ka daawo Wareeysigii Cali maxamed Geedi Ka dib Garwaaqso in lasoo diray lana yiri sidaas dheh
Muqdisho waa Caasimada umadda Soomaaliyeed maahan in qof lagu mucaarado kuwana loogu awood sheegto hase’yeeshee waxaa muhiim ah in dadka asalka ah la tixgaliyo