Cali Maxamed Geedi iyo Shiikh Cali Wajiis oo loo wakiishay Dacaayada iyo Burburinta Taageerayaasha Muuse Suudi (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana uu R/wsaaaraha ka yahay Xassan Cali Kheeyre,waxaa la rumeeysan yahay in ay soo kordhisay dhaqanno badan oo qab-daran islamarkaana aan siyaasada lagu aqoon kuwaasi oo  in la sameeyay qaaqlayaal badan.

Xiisad u dhaxeeysa Senator Muuse Suudi Yalaxoow iyo DFS ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho taas ayaana sababtay in ciidamo badan ay kazoo baxaan furumaha islamarkaana ay wacad ku maraan in ay difaacayaan xaaji muuse,

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro badan oo ka ololeeysay baraha bulshada ka dib markii ay ka xumaadeen daandaansiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow.

Awoodaasi oo ay u babac-dhigi weeysay Villa Soomaaliya ayaa waxaa ay ku qasabtay in ay adeegsato naqshadaheedii ahaa dacaayada iyo lacag bixinta,waxaana talaabadaasi loo wakiishay Sedax ruux oo kala ah Cali Maxamed Geedi oo lacag bile ah ka qaato Dowlada Shiikh Cali Wajiis oo la mid ah iyo Garaad Cageey oo ay isla qaraabtaan.

Ragaan ayaa loo dhiibay lacag badan waxaa lagu amray in ay faafiyaan dacaayad ka dhan ah muuse suudi islamarkaana ay kala dilaan dadka  u duuban difaaciisa islamarkaana iskugu jira ciidan iyo dad baraha bulshada ka dagaalamaya.

Arrinkaan oo ah mid mar walbo laga filan karay kooxdaani ayaa aad loola yaabay waxaana lagu tilmaamay fal dadnimo xumo ah