Cali M. Geedi oo dalaalay iibinta Korneel Xuud iyo dalacsiin lacag lagu kabay

Reading Time: 2 minutes

Asbuucii uu Korneel Xuud uu ku sugnaa magalaadda Muqdisho waxaa dhaq-dhaqaaqiisa gacanta ku hayay Cali Maxamed Geedi.  Korneelka ayaa si dadban ula nool yahay Cali Maxamed Geedi, isaga oo degan hoygiisa raashinka ka cuno halkaas.

Wadahadalada uu Korneel Xuud la  galaayay  Farmaajo iyo kooxa taageersan waxa hogaanka u hayay Cali Maxamed Geedi. Sida MOL loo xaqiijiyay Korneel xuud ayaa qadiyadii reer Hiiraan ku badashay sadax qodob oo ka tarjumaya danahiisa gaarka ah.

Dalacsiin: Kolonel Xuud ayaa in mudo ah u dagaalamaayay in loo dalacsiiyo darajada Janaraalk. Mudo laga joogo dhowr sano ayaa Korneel Xuud  waxa uu si sharci daro ah ku xiran jiray  darajada Janaraalka. Laakiin taliyihii Ciidanka xiligaas Janaraal Indha Qarsho ayaa ka xayuubiyay darajada beenta ah ee uu qaatay Korneel Xuud.  Farmaajo ayaa shalay u balan qaaday Xuud in la siin doono dalacsiin heer Janaraal.

Dhaqaale: Cali Maxamed Geedi oo lagu yaqaano dhaqanka ka ganacsiga siyaasadda ayaa waxa uu ku qanciyay Korneel Xuud in uu qaato lacag lagu sheegay cadadeeda $280,000 oo dollar, lacagtaas oo qayb kamida uu qaadan doono da’laalka Cali Maxamed Geedi.  Lacagta ayaa lagu sheegay sooryo ay bixinayaan Farmaajo iyo Fahad.

U magacaabid jago ama siinta kursiga Xildhibaanimada beesha: Korneel Xuud ayaa ah shaqsi ay ku raagtay shaqo la’aanta, isla markaana ka soo tagay dalka Canada halkaas uu in mudo ah ku noolaa, nolol dayacan oo inta badan uu waqtigiisa  ku lumiyo cabida khamriga.

Korneel Xuud ayaa waxa uu  ka codsaday Farmaajo in uu ka caawiyo in uu noqdo xildhibaan isla markaana mushaar joogta ah ay dowlada meel u saarto.

Sida MOL loo xaqiijiyay, dhamaan qodobadii uu codsaday waxa loo sheegay in loo fulinayo isagana uu ka gabi ahaanba uu ka tanaasulo kacdoonka uu ka bilaabay magalaada Baladweyne.   Ma la hubo in Farmaajo iyo Fahad ay fulin doonaan balanta ay u qaadeen Korneel Xuud.

Farmaajo ayaa durbadiiba ku amray hogaamiyaha xoogaga wadaniyiinta Yusuf Diiriye inuu ninkaa Korneel Xuud  uu ku daro dadka uu mushaarka joogtada ah uu siiyo.

Hadalkii maanta ka soo yeeray Xuud ee uu ku taageeray qorshaha Farmaajo ee la wareeguda aminga magalaada Maladweyne si doorashada loo boobo, waxa uu salkja  ku haya balama=ihii lala galaya Korneel Xuud.