Warar lagu kalsoon yahay oo MOL ka heshay Villa Somalia aya sheegaya in uu magaalada Muqdisho soo gaaray Cali Khalif Galeyr iyo xubno ka tirsan maamulkii Khaatumo. Cali Khalif iyo asxaabta la socota aya waxa magaalada Muqdisho ku casuumay MW Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
MW Farmaajo aya qorsheynaya in uu dib u soo nooleeyo maamulkii Khaatumo State si uu u kala dhantaalo awooda maamulada Puntland iyo Somaliland. Maamulka Khaatuma aya sheegta in uu ka kooban yahay seddex gobol oo kala ah, Sanaag, Sool & Ceyn oo ka wada tirsan maamulada Puntland & Somaliland.
MW. Farmaajo oo bilooyinkii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa burburinta maamul goboleedyada aya waxaa uu hadda qorsheynayaa in colaad hor leh ka dhex abuuro Puntland, Somaliland iyo dowladda Federaalka ah.
Wafdigan aya waxaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde looga soo qaaday gaadiidka RW Xasan Cali Kheyre waxaana la dejiyay hotel Jaziira.