Waxa xiisad ay ka tagan tahay Xilka qaadisti lagu sameyay Gudoomiyihi Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo goor sii horeysay un Xilkasi lo magacaabay.
Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in aan wax xil ah laga qaadin balse lagala tegay dhibaatootin,waxa uuna ku adkeystay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee rasmiga ah uu imaan doono,isla markaana uu xilka ku wareejin doono.
Shalay ayaa waxaa Baladweyne lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda Maamulka Hir-Shabelle ay lunsadeen lacag dhan 1,475,000 (Hal Milyan Afar Boqol todobaatan iyo Shan Kun) oo dollar oo akoonka ku jirtay,isla markaana Madaxda Hir-Shabeelle aysan cadeyn mashaariicdii lacagtaas lagu fuliyey.
Dhawaan aya waxa Shaqa joojin lagu sameeyey Duqii degmada Baladweyne Cali dhuux Cabdi Mahadale,balse shir jaraa’id uu qabtay ku qaadacay xilka qaadistaas.