Cali Guudlaawe”Waa inaan qaadno Talaabo aan ugu aargudeeyno Xildhibaanada la dilay”

Reading Time: < 1 minute

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle uga qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay laba xildhibaano oo shalay gelinkii dambe lagu dilay banaanka degmada Balcad.

Weerarkaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo degmada Balcad oo ururka Al-shabaab ay geysteen ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle iyo ku dhawaad 10 askari, oo ka mid ahaa ilaalada masuuliyiinta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka qeyb gashay aaska ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanmada iyo raggii kale ee weerarkaasi lagu dilay.

“Waxay geeryoodeen watqi Ramadaan ah, oo 10 kii dambe lagu jirto, waxaana dilay nimankii calooshood u shaqeystayaasha ahaa ee ummadda Somaaliyed laayay ee Shabaab, iyaga oo gacantooda isku difaacaya.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa waxa uu ciidamada ku amray in ay jawaab ka bixiyaan weerarkii shalay Shabaab ay ku dileen xildhibaanada ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

“Waxaa laga rabaa ciidamada qalabka sida in ay jawaab ka bixiyaan, oo cadowga uu ka naxo, inaan duceysano oo aan kala tagno ma ahan, falkan cadowga ay geysteen waa inaan ka jawaabnaa, mar walba waxay wadada u galaan dadka masaakiinta ah,” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Wadooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa weeraro jidgal ah lagula eeganayay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, weeraradaas waxaa lagu dilay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Hirshabeelle.