Cali Guudlaawe oo u safrayo Baladweyne si loo fashiliyo Shirka Wadatashiga Qaran?

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo maalinta berito  (Sabdi)  ah la filayo in uu magalaada Muqdisho ka furmo shirka wadatashiga Qaran oo looga arinsanayo arimaha Doorashooyinka ayaa waxaa jira warar sheegaya in Fahad Yasin uu ku amray in Madaxweynaha  Dowlada Goboleedka Hirshabele Cali Guudlaawe in  uu u safro Magalaada Baladweyne.

Ujeedada Safarkaan ayaa ah mid la xiriirta sidii loo fashilin lahaa Shirka Wadatsahiga Qaran ee Muqdisho ka furmayo. Cali Guudlaawe ayaa ku sugnaa magalaada Muqdiosho mudo ka badan labo bilood mana uusan u safrin magalada Baladweynen, hadabada  waxaa la isweydiinyaa maxaa keenay in uu  u safar Baladweyne  maalintii uu shirka furmi lahaa?.

Dhanka kale, maxaa ka dhalan kara safarka aan loo meel dayin ee uu Cali Guudlaawe ku doonayo in uu ku tago magalaada Baladweyne iyada oo odoyaasha dhaqanka ay ka soo horjeesteen safarka noocaas ah? Yaa qaada mas’uuliyada hadii dad ku dhintaan?.

Waxaa muuqada iyo Farmaajo iyo kooxaha uu ku adeegto ay qorsheynayaan in ay dib u dhigaan ama jiidaan  xiliga doorashada la qabanayo si ay ugu suuragasho in ay doorashadu u dhacdo qaabka ay iyagu doonayaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!