Wararka ka imaanaya xarunta Hiiraan ee Baladweyn ayaa sheegaya in madaxweynaha Hirshabellle Cali Guudlaawe & Ku xigeenkiisa Dabageed oo xiriirkooda sii xumaaday kaddib markii uu Guudlaawe uu sheegay in uu booqasho seddex maalmood ah ku tagi doono magaalada Jowhar, taasoo dhalisay shaki ah in uu rabo in Doorashada loo weeciyo magaalada Jowhar.
Sida ilo xog-ogaal ah aay u sheegeen MOL, waxaa Guudlaawe uu haystaa taageerada shacabka magaalada iyo siyaasiyiinta halka Dabageed uu isku haleynayo hay’adaha amniga, taasoo keentay dagaal magaalada ka dhacay maamlmihii la soo dhaafay oo aay ku dhinteen ilaa lix (6) qof.
Saacado sii horeysay ayaa waxaa magaalada Baladweyn buux dhaafiyey gaadiidka dagaalka mucaaradka iyada oo dagaal dhacay ay dhinteen ugu yaraan 6 lix.