Cali Gudlaawe oo degmooyin cusub magacaabayo & dagaaal qabiil oo ka qarxayo  G/ Sh. Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw Madaxda Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle, Madaxweyne Cali Guudlaaw ayaa qorsheynayo in uu dhawaan ku dhawaaqo labo degmo oo cusub kuwaas oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Labadaan degmo ayaa ah degmooyin  ku yaalo deegaanka ay degto beesha  Harti Abgaal. Barnaamijkaan ayaa waxa gadaal ka riixayo ganacsato iyo siyaasyiin ka soo jeeda beelaha ku abtirsada Harti Abgaal.

Tuhunka ka dhashay talabaad uu damacsan   yahay in uu qaado Madaxweyne Gudlaawe ayaa waxa ay durbadiiba dareen ka dhex abuurtay beelaha kuwada dhaqan deeganada dhawaan laga xureeyay Argagaxisada Al Shabaab.

Sida ay qaar kamida odoyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda qabiilada ku dhaqan Gobolka Shabeellada Dhexe sheegeen, waxaa ka bilaawday degaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe abaabul qabiil, qabiiladaas ayaa ah kuwa kala aaminsan fakaro isdiian , qaar bnaa  taageersan go’aanka Madaxweyne Guudlaawe iyo qaar ka soo horjeedo go’aankaas.

Waxaa muuqato in colaado cusub ka soo iftiimayaan qaar kamida deeganada hoos yimaada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, gaar ahaan deeganadii dhawaan laga xureeyay ururka Al Shabaab.

Dowlada Federaaalka  ayaa ah mid aan go’aan ku lahaynin qaabka loo maamuluyo deeganada hoos yimaado dowlad goboleedyada, madaama deegaanadaas ay hoos yimaado madaxda dowlad goboleedyada.