Cali gacal Casir oo Carooday & Gaalkacyo oo Maamul Cusub lagu dhisaayo (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Maamulka Gal-mudug Cali Gacal Casir oo dhawaanahaanba ku sugnaa Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Gal-mudug ayaa kasoo carooday halkaasi ka dib markii si awood ah booskiisa Xildhibaannimo lagu siiyay ruux kale.

Sida Muqdisho Online loo xaqiijiyay Xubno dhowr ah oo uu hor-boodaayo islamarkaana boosaskoodii ay kusoo baxeen shaqsiyaad Villa Soomaaliya wadatay ayaa u amba baxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka  Mudug halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxwayne Axmed Geelle Ducaale”Xaaf”

Maalmaha soo soda ayaa la filayaa in ay gaalkacyo ka bilaabato xulista Xildhibaano ka madax banaan kuwa laga dhisay Dhuusa-mareb taas oo ka dhigan in Gal-mudug laga filan karo Labo Madaxwayne.

Dhanka kale waxaa ku wajahan xubno kale oo xildhibaano ahaan jiray kuwaasi oo ay u yeereen Xaaf iyo Gacal,waxaana la filan karaa isbedel cusub uu dhaco.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!