Cali Duhur: “boqolaal arday oo Mariixaan ah ayaa Mandhera subax kastaa school u tagta, wadaniyada beenta ee ina Farmaajo dhib bey inoo keentay”

Reading Time: 2 minutes

Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Balad-Xaawo ayaa fartiin u diray MW Farmaajo iyaga oo u sheegay in uu joojiyo barakicinta iyo cadaawada uu u sameeynayo beesha Mariixaan. Odoyaasha ayaa waxa la soo darsay colaad kaga imaanaysa  dalka Kenya oo la xiriirta wanaaga ay ku haystaan dalka Kenya.  Waxaa jirta warar sheegaya in dhamaan ardayda wax ku barata magaalada Mandhera laga joojin doono waxbarashada.

Kumaan arday ayaa subax kastaa waxa ay waxbarsho u tagaan magaalada Mandhera ee dhanka dalka Kenya, halka ganacsato badan oo ka soo jeeda beelaha Mariixaan ay ka gancasadaan dalka Kenya.  Odoyaasha dhaqanka oo ku shiray magalaada Mandhera ee xigta dhanka Soomaaliya ayaa fartiin u diray MW Farmaajo iyaga oo ku eedeyay in uu cadaawad u abuurayo shacabka masaakiinta ee ku dhaqan xuduuda labada dal.

Cali Duhur oo ka mida oday dhaqameedka degan xuduuda ayaa sheegay in caruur badan Iskool u aado magaalada Mandhere ee dalka Kenya kuwaas oo laga yaabo in iskuulaadka laga soo xiro. Waxa uu yiri ““boqolaal arday  oo Mariixan ah ayaa Mandera subax kastaa school u tagta,  Wadaniyada beenta ah ee uu wado ina Farmaajo dhib bey inoo keentay ”. Waxa uu hadalkiisa ku sii daray “ dhib kuma qabno dalka Kenya aad bayna noo wanaajayaan, laakiin labadii bil ee u danbeeysay dhib badan ayaa nala soo darsay”.

Magaalada Mandhera ayaa waxa horay looga afduuday dhaqaatiir Cuban ah oo halkaas  u joogay in ay caawiyaan shacabka ku dhaqan degaankaas oo intooda badan ah Soomaali. Afduubka ayaa waxa geystay maleeshiyaad ka soo beesha Mariixaan. Beesha ayaa hada waxa ay u kala dabqaadaysaa labada dhinac ee afduubayaasha iyo dowlada Kenya.

Sanakadii 2015 ayaa dowlada Kenya waxa ay ka mamnuucday Iskuuladeeda in ay aqbalaan arday ka timaado deegaanada ku yaalo xuduudaha u dhaxeeya labada dal. Hadana labadii sano ee la soo dhaafay dowlada Kenya waa ay ka dabcisay cadaadiska, dib ayaana loogu ogolaaday in ardaydaas wax ku bartaan iskuulada dalka Kenya iyaga oo si xur ah uga kala goosha labada dhinac. Dhanka kala ardaydaas ayaa marka ay dhameeyaan Iskuulada waxa ay intooda badan qaataa waraaqaha aqoonsiga ee kabandhada  loo yaqaano taas uu sahaleysa in ay shaqo ka helaan dalka Kenya isla markaana waraqaaha dhalashada ka qaataan.

Farmaajo ayaa isaga oo muujinaya wadaniyad been ah waxa uu dagaal siyaasadeed oo aa u muuqdo qabyo ku qaday dalka Kenya taas ayaan keentay in shacabka ka soo jeeda beesha Mariixaan ay soo wajahdo colaad keeni karto inay ku dhacdo cunaqabatayn dhankastaa ah.