Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo Shaqo Ka Joojin Lagu Sameyay

Reading Time: < 1 minute

Wararka aanu ka helayno wasaarada arimaha gudaha maamulka Hirshabelle ayaa ku waramaya in shaqadii laga hakiyay Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle gudoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Wasaarad arimaha gudaha Hirshabelle ayaa la sheegay iney u dirtay waraaqad shaqada looga joojinayo, gudoomiyaha maamulka ugu magacaaban magaalada Magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan.

Mas’uuliyiin katirsan Hirshabelle ayaa  xaqiijiyay in shaqada laga joojiyay Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle gudoomiyaha degmada Baladweyne, inkastoo aysan inoo xaqiijin sababaha ka danbeeya shaqada in laga jooojiyo Cali Dhuux gudoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!