Cadeeyn:-Xil ka Qaadista R/wasaare Kheeyre oo la Qorsheeyay Iyo Laba Uun Midkood oo R/wasaare Laga dhigi Doono!!!!

Reading Time: < 1 minute

Qorshe hadda socda ayaa ah sidii xilka looga qaadi lahaa R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay khilaafkooda si ballaaran looga dareemayey Madaxtooyada muddooyinkii udambeeyey.

Inkastoo Seedi ahaan iyo Saaxiib dhaw uu Madaxweyne Farmaajo uyahay Xasan Cali Kheyre hadana siyaasada saaxiibtinimada wey kaa fogeysaa.

Beesha Murusade ayaa ku guuldareysan doonta inay weyso Xilka R/wasaaraha oo si cad loogu sheegay Xasan Cali Kheyre uu niyad jab ku riday Kalsoonidii Shacabka.

Xukuumada Kheyre waxay lumisey taageero loo hayey Dawlada 7 Bil jirta Ee Farmaajo Hogaamiyaha uyahay ayna ka dambeysay arintii Qalbi dhagax oo itoobiya loo gacan geliyey,Xasuuqii Bariire iyo Siyaasado is diidan oo dalka uu galay haba ugu badnaatee Arinta Maamul gobolleedyada iyo Dawlada dhexe oo is haya.

Beelaha Abgaal ama Habar Gidir ayaa loo diray fariin ah inay la yimaadaan Shakhsigii Badeli lahaa Xasan Kheyre waxaana dagaal ugu jira rab badan oo labada beelood ka socda. Wali ma cadda beesha uu Farmaajo la rabo laakiin waxaa hubaal ah inaan Xasan Kheyre dalka sii wadai karin, loona baahan yahay shakhsi maamulka yaqaanna, isla markaana beelaha Somaliyeed ay aamini karaan, caddaaladna ka filan karaan.