(Cadeen) MW Farmaajo oo 51.1 Milyan ka musuq maasuqay G/Banaadir

Reading Time: 3 minutes

Muqdisho Online oo mudooyinkaan danbe dabagal & xog uruurin ku heesay sida loodhaco Canshuurta Dowlada Hoose Xamar ka qaado Muqdisho & sifooyinka loomaro in uu sharci yahay & inkale  ayaa ogaatay xaqiiq ka qarsan shacabka soomaaliyed & kuwa ku dhaqan G/Banaadir.

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliya ee G/Banaadir & Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Dhulka oo iskaashanaayo ayaa bilaabay ineey qaadaan canshuur sharci daro ah sido kale lacagaha ay qaadana waxaa lagu shubaa account ka furan Salaama Bank oo uu maamulo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyada G/Banaadir.

350,000 Guri oo ku yaala G/Banaadir  ayaa waxaa labilaabay in laga qaado calaa guri lacag cadadeedu tahay 146 Dolar . Lacagaha waxaa qaada Xafiisyo ku yaala 17 Dagmo ee G/Banaadir.

Arrinta cajiibka ayaa ah Gudoomiyayaasha Dagmooyinka awood kuma lahan ineey fara galiyaan Howlaha ay qabanayaan Shaqaalaha hoos taga Labada Kuxigeen ee ka hoos shaqeeyo Gudoomiye Omar Finish.

Muqdisho Online ayaa ogaatay in cadadka guud ee canshuuraha Guryaha G/banaadir  laga qaado ay dhan tahay 51,100,000 Dollar wadarta guud.

Canshuurtaan ayaa ah mid aanan soo marin Baarlamaanka JFS sido kale Canshuurtan ma ahan mid ay qaado Wasaarada maaliyada XFS oo marta habraaca canshuuraha dalka.

Sido kale canshuurtan lama marsiiyo hanaanka ay hubiyaan Hey’adaha Maaliyada caalamka sida World Bank , IMF & African Bank IWM , Hey’adahaas oo markasta lasocda canshuuraha ay qaado Dowlada Fadaraalka Soomaaliya.

Suaasha iswaydiinta mudan ayaa ah Canshuurtaan aadka u badan ee laga qaado Guryaha G/Banaadir Hadii Baarlamanka JFS ansixinin oo aysan ogeen, Hadii Wasaarada Maaliyada XFS aysan shaqo ku leheen sido kale aan lagu soo darin miisaaniyada ay sanad walbo ansixiyaan Baarlamaanka JFS maxaa shacabka looga qaada? hadii laqaadana  Sidee loo isticmaala dhaqaalahaas markii uu soo xaroodo?

Muqdisho Online ayaa ogaatay in canshuurtaas looqaado in lagu fuliyo howlaha gaarka ee Madaxweynaha JFS lacagtaasoo loo’isticmaalo laaluushka & burburin Dowlad Goboleedyada maadama canshuraha soo gala Wasaarada Maaliyada XFS ay isha ku hayaan hey’adaha dhaqaalaha aduunka & Deeq Bixiyaayasha .

Arrintaan ayaa banaanka keentay sababta ugu weyn ee loodiidan yahay in G/banaadir noqdo maamul goboleed ayaa ah in la iska gurto dhaqaalaha oo Madaxweyne walbo yimaado uu sanad walbo si gaar ah uga faaido jeebkiisana ku dhacdo 100 Milyan oo dolar oo aan islaxisaabtan daba socon .

Siyaasiinta mudulood oo laalushka 10 Kun dollar loosiiyo kuwaaso had & jeer ishortaaga loo isticmaalo si aysan Muqdisho u helin Maqaam ama Dowlad Goboleed ugaar ah hadii ay ogaan lahayeen in lacagta lagu laaluushay ay Madaxweyne Farmaajo agtiisa ka tahay xabad nacnac ah masiisan laheen qadiyadaha dadkooda , Siyaasiintaas oo ayka mid yihiin Salaad Cali Jeelle , Abdullahi Shiekh Hassan & Ali Wajiis IWM.

Madaxweyne Farmaajo oo had & jeer iska dhiga wadani hada kahorna dayacay laba qadiyad oo dowladnimada kutagan tahay oo ah ilaalinta dadka & dhulka  iyadoo quluubta shacabka soomaliyeed wali ka guuxeeyso dhiibistii muwaadin , sarkaal katirsan CXDS oo dhiigiisa u huray diifaaca Dowlada Soomaaliyeed dagaalkii 77 loogacan galiyay cadowgii  uu ka difaacayay dalkiisa Sido kale siduu udayacay qadiyada dhul badeedka uu sida qeyrul masuulnimada  umaamulay iyadoo Madaxweynihii kahoreeyay difaaca qadiyada bada  meel sare gaarsiiyay guulo badana kasoo hooyay intee dacwada socotay.

Haddaba maanta iyadoo dalka uu ka jiro caabuqa coronavirus dhaqaalihii dalkana burburay lacagihii dibada ka imaan jirtay ay xoogeeda joogsatay sido kale ganacsigii gobolkana uu ka jiro hoos u dhac wayn iyadoo ay isugu darsantay amni xumo & canshuur xad dhaaf ah , dadka ku dhaqan G/baanidr 70% guryahooda 1 waqti cunto ayaa laga kariyaa. in iyadoo intaas culees jirto in maanta canshuur tuuganimo lagu soo rogo iyadoo la adeegsanayo awooda ciidanka booliska soomaaliyeed & dowlada hoose xamar waa ayaan daro balse  shacabka G/Banadir  sifiican ayeey  ugartaan cadowga alshabaab inuu ka daran yahay cadowtinimada uu Madaxweyne Farmaajo u qabo .

Canshuurta Guryaha ee sida xowligi kusocoto waxaa ay ku dhaceeysa jeebka Madaxweyne Farmaajo waxaana wakiil buuxa uga ah Gudoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyada & Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Dhulka ee Dowlada Hoose Xamar.