(Caddeyn) MW Farmaajo oo ogolaaday dib u dhigidda kiiska dacwada Badda

Reading Time: < 1 minute

Maxmadda Adduunka ICG aya laba bilood dib u dhigtay kiiska dacwada ee ka dhexeeya Somalia & Kenya kaasoo lagu waday in uu furmo 9 bisha Sept 2019, balse ay dowladda Kenya soo gaarsiisay codsi Maxkamadda taasoo ay ku dalbaneyso in dacwada dib loo dhigo muddo sanad ah.

Maxkamadda aya sheegtay in go’aanka ay gaartay ee ah in muddo laba bilood ah dib loo dhigo dacwadda ay tixgelisay markii ay aragtay warqad uga timid dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay in Somalia aanay waxba ka qabin in Kenya la siiyo muddada ay sheegatay, Maxkamadda aya waxaa soo gaaray warqad uu qoray qareenka MW Farmaajo kaasoo lagu magacaabo Axmed Faarax (Axmed Dheere) oo ah muwaadin u dhashay dalka Kenya, balse ay Maxkamadda go’aan ka qaadatay isla markaana la ay siisay Kenya laba bilood kaliya.

Waxaa si tartiib ah u soo baxaya in uu jiro heshiis hoose oo ka dhexeeya Farmaajo iyo Kenya taasoo ay Kenya rabto in kiiska lagu dhameeyo qaab wada hadal iyo in Kheyraadka Badda la wada qeybsado.