(Caddeyn + Video) Dowladda Masar oo hub sharci darro ah ugu deeqday Farmaajo

Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Dowladda Masar aya shixnad hub ah ugu deeqday dowladda Farmaajo taasoo ay uga gol leeyihiin in ay ku soo dhaweystaan maamulka Farmaajo maadaama uu dagaal dhanka biyaha webiga Nile uu kala dhexeeyo Itoobiya.

Hubka aya dowladda Somalia lagu wareejiyay bartamihii bishii Febraayo ee sanadkan 2020 iyadoo Somalia ay saaran tahay cunaqabateynta hubka ee Golaha Jamciyadda Qaramada Midoobay ay saartay Somalia.

Somalia ay dhex ka galeysa dagaalka u dhexeeya Itoobiya & Masar iyadoo la wada og yahay in kummaanaan ka tirsan ciidanka Itoobiya lasoo geliyay gudaha Soomaaliya si Itoobiya ay u qabsato magaala xeebeedka Kismaayo kaddib markii Kenya iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad taasoo ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Masar loogu ogolaanayo in ay isticmaalaan hawada iyo biyaha Kenya.

Itoobiya ayaa ku hamineysa in ay qabsato magaalada Kismaayo si ay halkaa ugala dagaalaan ciidamada Masar ee ku sugan biyaha badda Kenya.

Sida ku cad warqadda lagu amray Wasiirka Gaashaandhigga waxaa lagu wargelinayaa in hubkaan aan la iibin karin iyadoo aanan ogolaasho laga haysan dowladda Masar.

Waxaa sidoo kale su’aalo badan laga keenay, tan you markii ay dowladda Federaalka heshay hoobiyeyaal ay ugu deeqday dowladda Masar, waxaa batay hoobiyaasha lagu garaaco xerada Xalane mar walbo oo ay dowladd Farmaajo iyo beesha caalamka is afdhafaan.

Waxaa MOL loo xaqiijiyay in hubkan lagu xareeyay xarunta NISA ee Habar Khadiijo, waana midda keentay shakiga laga muujinaayo isku xernaashaha hoobiyaasha lagu tuuro Xalane iyo Hay’adda NISA.