Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) ayaa sheegay in ay jiraan Shaqsiyaad xubinnimada Baarlamaanka Soomaaliya ku raadinaya si xoog ah iyaga oo dhinac iska dhigaya dastuurka iyo nidaamka kale ee Dalka.
Wasiir Al Cadaala ayaa sheegay inaan RW Rooble xoog iyo cagajuglayn wax looga qaadi karin. Hadalka Cadaala ayaa yimid maalin ka dib markii waxgaradkii iyo aqoonyahanada beesha Habargedir ay wacad ku mareen inay la dagaalayaan cid kastaa ee ka hortimaada amarka Ra’iisal Wasaare Rooble.
Sababta dhibaatooyinka Dalka loo gelinayo ayuu ku sheegay in Dadka qaar ay doonayaan in ay dhinac maraan Nidaamka lagu heshiiyay iyo go’aanka Guddiga Doorashooyinka uu ka gaaray kuraasta uu joojiyay.
“Waxaan oo dhib ah maxaa loo marayaa oo dalka loo gelinayaa, waxaa loo gelinayaa qof raba in uu noqdo fowqal-qaanuun, qof dhahaya FEIT go’aan iima gaari karo waa in aan dhinac maro oo sida aan rabo qori ku gaari karo, meesha aan rabana qori ku fadhiisto, haddii sidaas lagu tagi karo maxaa dad badan bannaanka u joogaan, waxa na reebay waa waxa lagu heshiiyay” Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cadaala.
Cabdiraxmaan Cadaala waxa uu sheegay in Guddiga FEIT go’aanka uu ka gaaray kuraasta uu baabi’iyay natiijadooda uu u madaxbannaan yahay, waxa uu si cad u beeniyay in uu gacan ku leeyahay go’aankaas Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Kuraastaas guddi baa go’aan ka gaaray waxa ay yiraahdeen waa in lagu celiyaa, go’aan kale oo cid kale ka dhinac gaari karto ma jirto, FEIT waa guddi madaxbannaan oo shaqadiisa heysta, Jaceylka iyo Naceybta Maxamed Xuseen Rooble qofna xildhibaan ku noqon maayo kumana weynaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS.
Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hor istaago halista weyn ee Dalka kusoo wajahan si loo dhaqangeliyo waxa lagu heshiiyay oo ay ku shaqeynayaan Guddiga oo heshiis ku yimid.
Caga-jugleynta iyo carqaladeynta muuqata ayuu ku sifeeyay “Miino la rabo in Baarlamaanka Soomaaliyeed, Dhaarinta & Doorashada lagu fashiliyo” si Dad qaanuunka dhinac maray la dhex fadhiisiyo oo la isku qabsado meesha kaddibna xaalka isku baddelo qori iyo xoog.
“Waxyaabaha qaarkood ee hadda la rabo in laga dhigo waxaan iyo waxaas aan iska dhaafno Waddanka ayaa dumaayee sidaas ma aha, waa halis waddanka laga hayo, waxa ay keeneyso iyo fidnada ayaa ka weyn, waxa ugu weyn waa in aan ka shaqeyno waxa aan ku heshiinay oo waad ogtihiin sida ay ku yimaadeen Guddiga FEIT iyo Xalinta Khilaafaadka” Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Cadaala.
“Yaan Dadka Soomaaliyeed lagu marin habaabin, Shaqsi la neceb yahay ama la jecel yahay meesha ma taallo, waxaa yaalla wixii lagu heshiiyay aan ku socono, waa miino la rabo Baarlamaanka Soomaaliyeed, Dhaarinta & Doorashada lagu fashiliyo, in dadka qaanuunka inta lasoo dhinac marsiiyo oo lasoo dhex fadhiisiyo oo markaas meesha la isku qabsado oo la isku xabadeeyo oo qori & xoog isku baddesho, haddii qori iyo xoog tahay walaalayaalow Niman boqol-boqol baabuur oo tikniko ah heysta ayaa bannaanka jooga Magaaladaan iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cadaala.