Cabsi Xoogan oo Ka Jirta Madaxtoyada&Ciidamo Hubeysan oo Isku Gedaamay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya magaalada muqdisho aya shegaya in Ciidamo badan galabta la soo dhoobay isgoysyada laga soo galo madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo shalay qaraxo iyo weeraro ay ka dhaceyn.

Wararka aya shegaya in Gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Cabdi-bilaha iyo ciidamo hubeysan ay isku gadaameyn xarumaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo madaxtooyada.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada oo loo yaqaano Koofi Gaduud ayaa iyagu u xilsaaaran ilaalinta amniga Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka sida madaxweynaha,Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Meelaha Ciidamada Hubeysan caawa lagu arkayo waxaa ka mid ah,Baraha Kontarol ee laga ilaaliyo madaxtoyada sida Bar-kontarol oo ku dhow isgoyska Sayidka oo ah halka laga ilaaliyo xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyo irida hore ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya oo halka shalay ay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab isku fara saareen.

Shacabka ayaa wali waxaa dhegahooda ka guuxaya weerarkii marqabnimadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada iyo Hay’adda Nabad sugida kaasi oo sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 30-Qof.