Cabsi Wayn Aya Soo Foodsartay Gaadidleyda Isticmaasha Wadada Isku Xirta Afgooye Iyo Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Mudooyinkii danbe Waxaa halis wayn ay ka taagan tahay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii ay ku bateen qaraxyada nooca miinada ah ee wadadaasi la galiyo.

Saraakiil ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegay muddooyinkaan dambe inay badatay qatarta amni ee ka jirta wadadaan, kadib markii dhawr mar qaraxyo gaadiid ah lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda.

Todobaad ka hor maalin Jimco ah ayeey aheyd markii gaari Cabdi Bile ah oo dhaawacyo ka soo qaaday Degmada Afgooye, qarax lagula eegtay meel ku dhaw deegaanka Siinkadheer, halkaasi oo waxyeelo kala duwan ka soo gaartay askartii.

Sidoo kale shalay ayaa gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Imaaraadka Qarax miino lagula eegtay meel ku dhaw Jaamacadihii hore ee Shabelle, waxaana halkaasi ku dhintay lix ka mid ah ciidamada Militariga ee Imaaraadka uu tababaro.

Waxaa sidoo kale jira Qaraxyo Miino oo ka dhacayay wadadaasi bilihii lasoo dhaafay, Inta badan wadadaan kuma sugnaa ciidamo sugga ammaanka.