Cabsi laga qabo weeraro laga yaabo inay Al Shabaab ka fuliyaan Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Sida ay xaqiijinayaan saraakiisha laamaha Amniga dawladda Faderaalka, labo xarumood oo kamid ah Hay’addaha dawladda ayaa la gaarsiiyey digniino la xariira weeraro Argagixisadu ay doonayaan in ay ku qaadan, labada xarumood-ba shaqaalaha aan muhiimka aheyn ayaa la fasaxay, sida ay ii xaqiijiyeen laamaha Amniga.

Mid kamid ah, xarumaha ayaa kutaala gudaha xeyndaabka Madaxtooyada, halka tan kalena ay leeyihiin Hay’addaha ka shaqeeya ama u xilsaaran amniga, gaar ahaana ciidamada Booliska.

Dawladda faderaalka Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta Kooxaha Argagixiso oo ay kala wareegayso deegaanada muhiimka ah.

Al-Shabaab ayaa dhowaan weerar ku qaaday Hotel Rossa oo ku yaalla xeyndaabka Madaxtooyada, waxaana ka horreeyay weerar ay ku xarunta Wasaaradda Waxbarashada. Sida laga soo xigtay Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo ka qeybgalayay Shir Gole Wasiiro ah Sirdoonka ayaa hayay xogtan weeraradan.

Bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisey weerarada ay ka geysanayso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Khuburada amniga ayaa qaba inay uga gol leedahay inay isaga yareyso culeyska dagaal ee ay kala kulmayso goballada Koonfureed ee Soomaaliya.