Sida ay sheegayaan warar hordhac ah ee aan ka helayno magalaada Laascaanood, waxaa ka socda Gobolka Sool abaabul iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo labada dhinac ah. Hogaaka SSC ayaa rumeysan in Somaliland dagaal ku soo qaadi doonto magaalada Laascaanood maalinta Khamiista oo ah maalinta loo balansan yahay in qabsoonto doorashada Qof iyo Cod.
Dhanka kale Somaliland ayaa dhankeeda cabsi ka qabto in dagaal lagu soo qaado maalinta khamiista si ayan Somaliland saameyn ugu yeelan doorashada lagu qabanaayo deegaano ka tirsan dhulka ay Somaliland sheegato.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Somaliland ay maanta samaynaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan kuwii hore waxaana ay u diyaar-garoobayaan weerar ku jihaysan Laascaanood.
Madaxweynaha SomalilandMuuse Biixi oo dhawaan hadlay ayaana sheegay in aanu joojin doonin dagaalka Gobolka Sool ilaa uu dib ula wareego magaalooyinkii laga qabsaday ciidankiisa oo ay ku jirto Laascaanood.