Cabsi laga qabo in firxadka kooxda Al Shabaab ay Muqdisho si qarsoodi ah ku soo galaan

Reading Time: < 1 minute

Waxaa jira warar sheegaya in firxadka kooxda Al Shabaab oo looga adkaaday gobolada Galgaduud, Hiiraan  iyo Shabeelada Dhexe ay Muqdisho si qarsoodi ah ku soo galaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo qoysaskooda ay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho, xilli laga soo saaray deegaano badan oo dalka ka mid ah.

Sida lawada oison yahay dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa laga saaray inta badan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, hase yeeshee taasi kama hor-istaagin inay weerar ka fuliyaan caasimadda. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Muqdisho inay isha ku hayaan dadkaasi Al-Shabaabka ah iyo qoysaskooda ah, soona sheegaan, inta aanay sameyn amni darro ah.

“Meesha bahallo-galeenka ah waa taqaaniin, cidda wax kasta soo dhoweysata waa taqaaniin, waa magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho soo dhoweynta inaysan u dhiman ayaan rabnaa. Maalin kasta in la yiraahdo baabuur qarax sida ayaa meel hebel jooga ee khalkhald dadka ay ku noolaadeen, suuragal maaha,” ayuu yiri Yusuuf Madaale

Sidoo kale Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in dagaallada looga horjeedo Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, taasina ay keentay in markii lagu soo jebiyay ay carruurtooda iyo xaasaskooda soo geliyeen magaalada Muqdisho. Muqdisho ayaa xaalad cabsi ah ku jirtay tan iyo intii uu dhacay Qarixii Zoobe ee labaad 29-kii October 2022, waxaana xarumo badan a dhigay ciidamo dheeraad ah, iyadoo la saadaaliyay inay qaraxyo dhici karaan.

Iyada oo ay jiraan da’daaladaas Sidaas ayaa hadana saddex habeen kahor un waxaa ka dhacay qarax kale oo lala beegsaday Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaasi oo lagu dilay shan dhallinyaro oo loo qorayey ciidan ahaan.