Cabsi ka taagan Dhuusa-mareeb&Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo bilaawday

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu soo waramayaa in Magaalada Dhuusa-mareeb ay ka taagantahy xaalad kacsanaan ah waxaana Gudaha Magaalada lagu arkayaa Ciidamo aad u hubaysan oo wata Gaadiidka Dagaalka.

 

Ciidamadaa ayaa waxaa la sheegayaa in ay kala taabacsanyihiin Dowladda Soomaalia iyo Maamulka Ahlusunna Waljameeca waxaana laga cabsi qabaa in labada Ciidan ay isku dhacaan oo halkaa uu dagaal Culus ku dhexmaro.

Arintaa ayaa waxa ay imaanaysaa xili Xalay uu Magaalada Dhuusa-mareeb Sheekh Shaakir oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna uu kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada ku sugan dhuusa-mareeb waxa uuna kula dardaarmay in ay sugaan Amaanka Magaalada maadaama Shalay Xildhibaanada Ahlusunna ay Madaxweyne u doreen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!