Cabsi iyo walwal amni daro oo ka jirta gudaha garoonka Aadan Cade iyo xarunta Xalane

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan xog laga soo xigtay hogaanka UNSOM,  ismiidaamin ah iyo qarax ayaa lala damacsan yahay shirkad ka howlgasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa saddax maalin kadib oo ku beegneyd shalay laga dareemay gudaha garoonka iyo bannaankaba.

Warbixin lasoo gaarsiiyay laamaha ammaanka ee gudaha garoonka ayaa argagax iyo cabsi ku beeray dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo banaankaba, kadib markii lagu soo wargeliyay in kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen dhinaca Afisyooni ee garoonka iyo cabsi kale oo laga muujiyay weeraro ka dhaca iridka laga galo garoonka.

Warbixinta ay diyaariyeen saraakiil ku dhaw AMISOM ayaa abuurtay isku dhex yaac ka dhex dhalisay howl-wadeena Garoonka, waxaana garoonka qarka u saarmay in la joojiyo duulimaadyada imaanayay iyo kuwii baxayayba. Ciidamada kala duwan ee ammaanka ayaa kusoo aruuray gudaha garoonka, waxayna sameeyeen howlgal iyo in dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo bannaankiisaba loo digo, lana mariyay baaritaan aad u adag.

Dhinaca kale, sirdoonka shisheeye ee ku sugan gudaha Xalane ayaa ka digay weeraro la mid ah kii ka dhacay gudaha garoonka Muqdisho todobaadkii hore oo lagu beegsaday qeybta Marina Gate ee ajaaniibta degan yihiin iyo weerarkii Baladweyne mid la mid ah.