Cabsi Galinta Madaxtoyada oo Bilaabatay Iyo Yariisow oo Badiyay Raali Galinta Xildhibaanada

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa raaligelin u qoray Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay u goodiyeen Saaxibada Madaxtooyada iyo Qaar ka mid ah Xildhibanda Golaha Shacabka.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xildhibaannada labada Gole ku eedeeyay dhowaan inuu ka shaqeyn waayay, taasoo markii dambe uu sheegay in si xun loo fasriray.