Cabdul-Qaadir Hirmooge”Axmed Madoobe Waxa uu Saxayaa Qaladkii Ay Galeyn Farmaajo iyo kheyre”

Reading Time: < 1 minute

Jamhadda ONLF ayaa ka hadashay kulankii dhex-maray Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), iyo C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan Saraakiisha Jamhadda.

Afhayeenka Jamhadda ONLF Cabdul-Qaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan kulanka Axmed madoobe iyo Qalbi Dhagax, iyo dadaalo ku aadan sii deysmadiisa.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) uu qaaday talaabo aad u wanaagsan, islamarkaana ay dhabar jab ku tahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhiibay markii hore.

Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in xiriirkiisa ay waayeen qalbi dhagax Mudooyinkii dambe,islamarkaana sawiradda markii ay arkeen ay aad ugu farxeyn dhamaan dadka taageera Jamhadda ONLF.

Shalay Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed madoobe ayaa bartiisa bulshadda ku baahiyay sawirro muujinaya kulan uu la qaatay C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan Saraakiisha jamadda.