Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdixakim Fiqi ayaa sheegay in aan qofna ku dhiman kuna dhaawanmin magaalada Baydhabo. Fiqi oo la hadlay qaar ka mida Soomalida ku nool qurbaha oo uu habeenkii xalay ahaa qadka teeleefanka kula hadlay ayuu ku sheegay in wararka sheegayo in Baydhabo dhimasho ka dhacday xiligii doorashada ay tahay been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.
Fiqi aya intii ay doorashada socotay waxaa geeyay magaalada Baydhabo Cabdicasis Lafta Gareen kaas oo u ololeeynayay Lafta Gareen. Sidoo kale waxaa uu ahaa shaqsii lacaga qaaar qaybiyay inta ay doorashada socotay.
Mid ka mida aqoonyahada ku dhaqan magalada Baydhabo ayaa u sheegy MOL in ay nasiib xubo tahay in Cabdixakim Fiqi uu inkiro xasuuqii ka dhacay Baydhabo. Waxa uu yiri “ Ma aha wax lala yaabo in Fiqi saa u hadlo, waxa waligiis lagu yaqiinay in uu ahaa nin raqiis ah oo iibiya qadiya dadka Digil iyo Mirrifle, waxaana ku filan lacag yar oo jeebka loo galiyo”. Waxa uu intaas ku daray “dhibkii dhacay Soomaali oo dhan ayaa aragtay in uu ka beensheego waa caqli xumo iyo doqonimo laakiin dadka reer Koonfur Galbeed ayaa kala xisaabtami doono maalinteeda”